GABOOYE KUUMA BAAHNEE, GARO INAAD CADAABTA NAFTAADA KA BADBAADISO
Yousuf Ahmed — — — 23 October, 2005
21-July-2012-MAQAALKAN WAXAAN UGU SOO CELIYAY CULUMADA, IYO EHELLADOODA U HAYSATA IN AY BEELAHA GABOOYE U AXSAAN FALAYAAN, EE AAN OGAYN IN AY FIRCOON LA SINMAYAAN, NAARTANA AY ADAGTAY SIDAY KAGA BADBAADAYAAN, MAADAAMA AY KA WAANTOOBAYNIN IN DAD QURAANKU KARAAMEEYAY AY U ARKAAN INAY KA HOOSEEYAAN. HADAL RABBINA AY BEENAYNAYAAN.
GABOOYE KUUMA BAAHNEE, GARO INAAD CADAABTA NAFTAADA KA BADBAADISO
Soomaalidu waxay leedahay dhaqan markaad eegto aad u wanaagsan, waxaase mararka qaarkii aad ku arkaysaa caadooyin iyo takrifal aad u fool xunxun oo aanad garanaynin meel uu ku sal leeyahay.
Waxaa jirta reeraha laga tirada badan yahay ee degaanka ku dhaqan ee la yidhaa Gabooyaha in siyaabo badan loo cadaadiyo, oo weliba qaarkood ay ku siman yihiin heer lagaga baxayo dadnimada. Waa dhibaato jirta aad looga wada dheregsan yahay.
Waxaa in badan aad maqlaysaa iyada oo dadbadani ay isku dayeen inay wax ka qabtaan.
Haddaba iyada oo dadku ay isku raacsanyihiin inay xaqiraadaas iyo iska hoosaysiintaa jirtaa, aanay ahayn wax xagga dhaqanka soomaalida iyo diintaba ku wanaagsanayn, ay haddana dhacdo inaan laga waantoobin ee ay iska tahay sidii arrintii maahmaahda noqotay, ee tidhi ”Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana”.
Waxaad arkaysaa waxkastoo aynu isu sheegno inaanay ahayn mid laga waantoobayo, oo dadka qalbigooda u daadagaysa. Waxaa meesha imanaysa oo in la xuso mudan suaasha ah, maxaynu si niyad ah arrintaa wax uga qaban waynay, maadaama aynu isla garanay inay foolxumo tahay.
Waxaa jirtay in ay muddo kala duduwan ay muujiyeen dadyow badan oo ah dadkeenna ixtiraamka inagu leh, ama aqoonta iyo waayo aragnimada leh, qaarkood ay yihiin culimada diinta ugu xeesha dheer markaynu soomaali ka hadlayno, waxaa iyaguna aad uga muuqda madaxdhaqameedyo, iyo weliba dadka ugu soo jiidashada badan ee dhaqanka iyo suugaanta buddhigga u ah, hawguba horeeyaan abwaanaduye.
Waxaa is weydiin leh hadiiba intaasoo bulshada dadka hogaamiyaa ay isku raacsan yihiin dadaalna ka geysteen, maxay haddana u noqon weyday arrin laga midho dhaliyo oo wax wanaagsan dhasha.
Waxaad garanaysaa in ay wax meel ka khaldan yihiin, oo aanay jidkii waxlagaga qaban lahaa laga habawsan yahay.
Waayo, hadaan wadadii loo mari lahaa cagta lagu haynin, waxay dhashaa fashil iyo dadka oo isyidhaa hortaa jireba ku daalye, bal ilaahay siduu ka dhigo uun sug.
Hadaynu u noqono arrinta xaqiraadda ama yasidda beelaha gabooye, waxaynu cuskanaa rukumo khaldan, oo ah sida aynu hadalka u dhigno, marka aynu leenahay beelaha gabooye waa la yasaa, ee halaga daayo.
Waxay rag badan oo aqoon leh iyo culimo diineedba yidhaahdaan dadkaa yasidda halaga daayo, oo halagu soo daro ummadda, si ay bulshada wax ula qaybsadaan.
Waxaad mooddaa dadkaa arrinta hormoodka ka ahi ay ka habawsan yihiin runta, haddii ay culimo yihiin iyo haday waxgaradkaleba yihiin, waxaana kuu daliila inaanay marka hore iyaga laftoodu aqoon u lahayn siday wax ujiraan, ee ay la martay uun inay isku guubaabiyaan inay wax ka qabtaan arrinta.
Ma lihi waa dad aan waxba kala garanaynin, laakiin waa dad aan halkii buktay ee dawada u baahnayd aan farta saarin, laakiin meel aanay ciladu ku jirin qodqodaya.
Marka la leeyahay dadkaa waa la dulmiyayaa ee dulmiga ha laga daayo, waxay u muuqataa inaad isku deyeyso inaad caawiso dadkaa la yasayo, oo aad wax la jeceshay, laakiin waxaa kaa maqan inaanay dadkaa gabooye ee aad leedahay waa la dhibaateeyaa aanay qabin dhibaato, laakiin dadka aad leedahay waxbay xaqirayaan ay yihiin dadka dulman ee daciifka ah ee habawsan ee garasha yaridu luminayso ee aan qiimayn karin dambiga iyo cadaabta uu naftiisa u shaqaynayaa intay xaddi mudan tahay ee aan is ogayn.
Ka soo qaad inaynu xisaabino khasaaraha arrintani leedahay ciddee waxyeelada ugu badani ka soo gaadhaysaa.
Waxaynu odhan karnaa waa dadka isu dhigaya inay iyagu yihiin dad qabiili ah oo ugu mudan ummadda meesha ku dhaqan, ahna dad aan ahayn dadyowga hoose ee aan istaahilin in lagu milmo ama lala dhaqmo.
Waxaad mooddaa wax garadkeenu inay ka habawsan yihiin runta, oo ay gawaan qodayaan, xataa culimada diinta oo aad marmar odhanayso ma ka aqoongaabnimaa inay sidan dacwada u arkaan.
Hadaynu eegno waxaynu ka aaminsan nahay reeraha la yaso, waxay dadka qaarkii yidhaahdaan waxay cuneen bakhti, sidaasaana lagu takooray, haddaba arrinta ugu adag ee aynu ka sheegnaa oo taas ahi, haday run tahay waxaa jira dadyow badan oo gaaloba u badan oo xataa iyagu doofaarka cuna, oo aynu wax la cuno lagana yaabo inaynaan dhib u arag inay inaga guursadaan. Waxay tani ku tusaysaa in xujadaasi ay tahay mid baadil ah, maadaama aanad kaga cararaynin dadka kale ee gaalada ah halkaad ku soo dhawayso.
Marka aynu leenahay qofka gabooye wuu naga hooseeyaa, oo isma gayno, mana sinin, oo waa dad naga hooseeya, oon haboonayn inay meeqaan isla kaaya soo taagaan, miyaan macnaheedu ahayn abuurtayadu isku mid maaha, miyaanay ahayn inaynu beenaynayno Quraanka oo isagu sheegay in aan qof muslin ahi qof kale oo muslin aanu hayb iyo qurux midna kaga duwanaan karin kagana fadli badnayn sida Rabi u abuuray iyo dadnimadooduna kala duwanayn.
Miyaanay ahayn inaad Ilaahay caasiyayso, oo aad leedahay Rabiyow dadkani qaar kuf ii ah maaha, mana ila sinna, xataa muslinba ha ahaadaane.
Miyaanad meeqaan la joogin FIRCOON oo isagu dad Rabi abuurtay yidhi waynaga hooseeyaan, oo waa dad xaqiran, maxaadse kaga duwan tahay fircoon iyo dadkiisii siday uga faanayeen qoomkii bani aadamka ahaa ee meesha kula dhaqnaa, iyaga oo beenaynayay in abuurka Ilaahay isku mid yahay, oo aan dadku kala nasab sanayn.
Waxaa haddaba layaab leh marka ay culimada laftoodu ka dadan tahay inay dembi intaa leeg arrintani xambaarsan tahay, ay farayaan in ilaahay laga baqo oo loo naxariisto dadkaa, oo laga daayo, yasidda.
Waa wax maanku diido in qof aqoon leh ama culimada diinta ka mid ah, ay la noqoto inuu khayr korodhsanaayo markuu leeyahay dadkaa halaga daayo xaqiraadda, oo aanu ogayn xaqiraaddu inaanay qofka la yasayo, aakhiradiisa gubaynin waxyeelo xagga rabi ahina uga imanaynin, laakiin qofka dulmiga samaynaya iyo kuwa Diinta hogaanka u ah, iyo waxgaradkoodu ay ku cadaab mudanayaan, aqoon la’aanta ka haysa inay iyagu yihiin kuwa dhibaatadu u imanayso dembigay falayaan weynidiisa hadii aanay ka waantoobin sidan ay qabaan ee ka sheeganaya nasabka sare ee ku andacoonaya inuu ka mudan yahay qof Ilaahay abuuray, uu ku cadaab mudanaayo, oo uu shirki arrintiisu galayso, haduu sheegayba in ilaahay uu abuuray dad kala isir wanaagsan oo aan isku mid ahayn inay jiraan, isaguna yahay ka isirka wanaagsan ka dhashay.
Waxaa loo baahan yahay in culimo iyo waxgarad iyo dadka dhamaantiiba Rabi dembi dhaaf laweydiisto, hawgu horeeyaan dadka ummadda indhaha u ah ee la bidaayo aqoonta iyo diintaba madaxdeeda, oo khasaaraha iyo cadaabka ay kuu soo jiidayso, la garto. Innta la moodayo inaynu dadkale oo aan iyagu dembiga waxba ku lahayn aynu waxtarayno, oo iyaga aynu u samafalayno si khary inooga kordho.
Qofku waxba Rabigiisa kama qarinkaro, markastoo aad aaminsan tahay inaad dadkaa la xaqiro aad ka isir wanaagsan tahay, waxaad sidaa markaad aaminsan tahay isu dhigaysaa in Ilaahay uu adiga kaa jecelyahay dadkan oo uu kaa saraysiiyay, adoon daliil runa haynin, aakhirona ay kugu noqonayso suaal aad kuugu cuslaata inaad ka jawaabto oo keento cidda kuu xaqiijisay inaad ka abuur wanaagsan tahay. xataa dadka kaba qarsoo, waxaad ogaataa, inay dembi kuusii kordhinayso, oo aanad hadaad reero gabooye xaqirto iyo haddii kale aanay iyaga aakhiro waxba uga imanaynin.
Haday kula tahay inaad ifka waxyeello ugu gaysanayso oo dhibaatadu maanta iyaga taagan tahay miyaanad ogayn, iyada oo xataa culimadu aanay arrintaa ka baxsanayn, in dembigaad ka korodhsanaysid caasinimadaa aad ku dhaqmayso ay kugu keenayso cadaab iyo dhibaato aakhiro aad la kulanto. Oo aan cidi kaa xorayn karin, maadaama aanad u arkaynin inaad haamo dembi ah dhaansanayso markaad leedahay dad kale oo rabi abuuray ayaan ka isir sareeyaa.
Waxaan odhan lahaa gabooye qofna ugama baahna in la xoreeyo, oo xaqiraadda laga daayo, laakiin naftiina ayaa u baahan in aad xoraysaan, oo dembigan qaradaa leh ee aydaan garanaynin dhibkuu aakhiro idinku keenayo, aad iska xoraysaan, isna ogaataan inaydaan ka weyneyn addoon aan awood lahayn, oo abuurka dadka ka mida.
Walaal hadaad Caalim tahay naftaada xoree, adaa ubaahan inaadan dembi korodhsane
Walaal hadaad Aqoon yahan tahay naftaada xoree, adaa ubaahan inaadan dembi korodhsane
Walaal hadaad Addoon Xisaabi ka dambeyso tahay naftaada xoree, adaa ubaahan inaadan dembi korodhsane.
Qofoowna haw qaadan inaad gabooye wax tarayso, ama aad cidkale dantiisa ka shaqaynayso, ee waxaa kaa maqan inay adiga dantaada tahay, ee sida isfar.
Wasalaamu calaykum
Yousuf Ahmed
jicsin@hotmail.com